Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan guud oo ay maanta yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka oo soo idlaaday 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Kulan guud oo ay maanta yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka oo soo idlaaday 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay weheliyaan ku-xigeenadda labada Aqal ayaa maanta shir guddoomiyey Kulan guud oo Labada Gole ee Baarlamaanka wada la haayeen, kulankaas oo Ajandihiisu ahaa qaybinta miisaaniyada sanadka 2022.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa sheegey in berri la shaacin doono guddi ku meel gaar ah oo Labada gole ka kooban kaas oo miisaaniyadda ka soo shaqeeya, Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsadey in berri uu jiri doono kulanka guud ee golaha Shacabka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026

Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhowaan madaxweynaha JFS u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha ayaa waxbixin ku aaddan xaalada Abaaraha dalka looga dhageystay gaar ahaan isaga oo sheegay gobolada ugu badan ay saameeysay Bay iyo Bokool iyo Gobolka Gedo waxaana uu xildhibaanada ka codsaday in mushaharaadkooda qeyb ugu deeqaan gurmadka Abaaraha, waxaana uu Guddoonka la wadaagay in lacagihii la qaaday Musharaxiintii Guddoonka labada aqal iyo tan Madaxweynaha.

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo, isna warbixin ku aaddan miisaaniyada sanadkan looga dhageystay ayaa waxaa uu sheegay in diyaarinta miisaaniyada sanadka 2022 ay saameysay dib u dhac ku yimid dhameystirka hannaanka doorashada Federaalka, taas oo qasabtay in la diyaariyo miisaaniyad ku-meelgaar ah taas loo yaqaano Miisaaniyada sedex biloolaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa ugu dambeyn kulanka ka sheegay in waqtiga aad loo ilaaliyo si xildhibaanada waqti fican ugu helaan ka doodida Ajendiuaasha markaa taagan.

Previous Post

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo soo gabagaboobay

Next Post

Tababar socon doono muddo Seddex maalin ah oo Muqdisho laga furay

Next Post
Tababar socon doono muddo Seddex maalin ah oo Muqdisho laga furay

Tababar socon doono muddo Seddex maalin ah oo Muqdisho laga furay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In