Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Baarlamaanka Galmudug oo gaartay deegaanka Qorye-weyn

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Baarlamaanka Galmudug oo gaartay deegaanka Qorye-weyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Faadumo Cabdi Cali oo maal mahaan kormeero ay ugu kuur galaysay  abaaraha iyo saameeynta nolasha bulshada ee ay abaaruhu ku yeesheen ku mareeysay deegaannada fog fog ee Waqooyiga bari Gobolka Mudug ayaa maanta gaartay deegaanka Qorya -weyn, halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad beni’aadanimo oo adag isla markaana u baahan gurmad dag dag ah.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali oo ay wehliyeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Mahad Caabi Ciise iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa markii ay gaareen deegaankaasi Qoryo weyn, waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay bulshada ku nool halkaasi, iyagoo soo dhaweeyn kadib ka warbixiyay xaaladda deegaanka oo ay xuseen in ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan xoogan kadib markii ay gureen Ceelal gacmeedyo yar yar oo dadku biyaha ka cabi jireen, kuwaas oo markii horaba aan laheyn biyo nadiif ah.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Wafdigaan ayaa intaasi kadib kormeeray ceelasha ay dadku biyaha ka cabi jireen kuwaasi oo gabi ahaanba biyo yaraaday taasoo keentay in qoyasas fara badani ay isaga hayaameen deegaanka kadib markii ay waayeen baad iyo biyo.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa intaasi kadib usameysay dadka deegaanka biyo dhaamin aan sidaas u badneyn, balse ay uga gol laheyd bad baadinta inta tabarta yar ee ku hartay halkaasi iyadoo dhanka kalana codsatay in si dag dag ah loogu soo gurmado guud ahaan deegaannada fog fog ee ku yaala dhanka Waqooyi Bari ee Gobolka Mudug.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo qaabilay Wafdi ka socday WHO iyo UNICEF

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In