Dayib Macallim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa lagu xukumay min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah, kadib markii ay Maxkamadda Ciidamada ku heshay dambiga ah kamid ahaanshiyaha Kooxda Daacish.
Magacyada Mustaf iyo Xaawo ayay isku guursadeen sida uu faray horjoogahooda, waxa ay si gaar ah u qaabbilsanaayeen samaynta qaraxyada iyo kaydintooda.
Bishii March ee sanadkan ayay Ciidamada Amniga soo xireen labadan qof, hab raac maxkamadeed kadib maanta ayay Maxkamaddu xukuntay.