Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaartu saameysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaartu saameysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaannada Xoolaha ee dowlad Goboleedka Puntland ahna xubin ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay in shirkii golaha Wasiirada Puntland diiradda lagu saaray xaaladaha abaarta ee ka jirta deegaannada Maamulkaasi.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu guddi heer Wasiiro ah u saaray abaarta si ay uga talo bixiyaan, iyado shalay la soo saaray warbixintii ugu horeysay ee guddiga

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

“Guddiga warbixinta ay soo saareen waxaa ku jirtay in abaartu ay saameyay guud ahaan bulshada  ku nool deegaannada Puntland, haddi aan wax laga qaban bilaha soo socdana ay abaartu ka sii dari doonto, waxaana ilaa iyo hadda ay saameysay saddex boqol, afartan iyo shan kun oo qoys, isla markaana dad ku dhow sideetan iyo todobo kun ay soo xaroodeen oo ay ku soo hayaameen magaalooyinka Puntland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdullaahi.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in guddigooda uu diyaariyay qorshihii lagu hagi lahaa hay’adaha gargaarka ee ka howlgalla deegaannada Maamulka Puntland, isla markaana gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhexdooda isu gurmadaan oo ay is gacan qabtaan, ayna is taageeraan shacab iyo dowladba, isagoo intaa ku daray inay sameyn doonaan sanduuq u gaar ah abaaraha, kaasi oo loogu talagalay inta ay abaartu socoto iyo abaarta kadib.

Previous Post

Xildhibaamnada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya  oo si wadajir ah u ansixyay miisaaniyadda 2022

Next Post

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Next Post
Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In