Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo ku-xigeenka koobaad ee Golaha shacabka oo ay weheliyaan Guddoonkaย Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 9aad ee wadajirka ah, iyadoo Ajandaha kulanka uu ahaaย ย Akhrinta sadaxaad iyo u codeynta miisaaniyadda 2022-ka.
Guddiga KMG ah ee loo xil saaray odoroska miisaaniyada ayaa soo jeediyey warbxin guudnaย ka siiyey Xildhibaannada.
Guddoomiyaha ayaa soo jeediyey in Xildhibaanada ay miisaaniyada u codeeyaan maadaama dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay laga dooday su’alana laga weeydiiyay Wasiirka WasaaradDa Maaliyadda, iyadoo gaba-gabada cod gacan taag ah ugu codeeyeen 204 mduane oo ogolatay, ย halka labo Xildhibaan ay ka aamustayย waxaana diiday labo xildhibaan oo kale, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in sidaasi miisaaniyada ay ansax ku tahay, maadaama 204 Xildhibaan ay ogol ugu codeysay.












