Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 5, 2022
in Wararka
0
Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA mudane Shaafici Nuur Calas ayaa xarunta Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee dalka Ethiopia Ambassador Fernando Zalaquett.

Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama Dawladda Chile ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Golaha Xuquuqul Insaanka ayaa doorashadiisu ka dhacaysaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York (Oktoobar 2022), gaar ahaan inta lagu guda jiro kulanka ama fadhiga 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo dalka ku guulaysta hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ay mudada xil hayntiisu noqon doonto laba sano oo ka bilaabanaya sanadka 2023, kuna ekaan doona sanadka 2025.

“ Dawladda Chile waxay jeclaan lahayd inay si naxariis leh uga codsato Dawladda Soomaaliya taageeradeeda qiimaha leh ee ku aadan doorashada Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay, sidoo kale Chile waxay waydiisanaysaa Soomaaliya inay ka hesho macluumaad dheeraad ah oo taageeraya codsiga Chile” ayaa lagu yiri warqadaha codsiga ee ku jira galkan ay Dawladda Chile usoo gubdisay Dawladda Soomaaliya.

Dawladda Chile, waxay intaa ku dartay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya kala shaqayso horumarinta Dawladnimadeeda, isla markaana ay ku taageerayso Soomaaliya mashaariic horumarineed oo kala ah, Iskaashiga Khuburada ku Xeel dheer Wax Soo Saarka Khayraadka Badaha, Tababaridda Ciidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo La Dagaalanka Kalluumaysiga Sharci Darrada ah.

Danjire Shaafici Nuur Calas ayaa ugu horayn ku bogaadiyay Jamhuuriyadda Chile codsiga iyo dalabka rasmiga ah ee ay usoo gudbisay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo u sheegay in Dawladda Soomaaliya ay leedahay siyaasad qoran oo qeexan oo soo dhoweynaysa Dawlad kasta oo kamid ah Dawladaha caalamka ee doonaysa inay Soomaaliya la yeelato xiriir saaxiibtinimo iyo mid Diplomaasiyadeed oo ku dhisan ilaalinta madax banaanida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Taasoo ku qotonta siyaasadda iyo hal-kudhiga Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ah “Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah”, isla markaana ay Dawladda Soomaaliya si mug weyn u bogaadinayso dawladaha u diyaarsan inay taageero buuxda siiyaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ambassador Calas ayaa sidoo kale tilmaamay in kulankan uu yahay mid gogol xaar iyo bar-bilow fiican u noqonaya xiriir Diplomaasiyadeed oo ay yeeshaan Dawladaha Soomaaliya iyo Chile, isagoo wada hadal dheer kadib ka guddoomay galka rasmiga ah ee ay ku jiraan dhamaan warqadaha codsiga ee ay Dawladda Chile usoo gudbisay Dawladda Soomaaliya, wuxuuna si rasmi ah ugu caddeeyey in Safaaradda JFS ee Ethiopia oo wakiil ka ah Dawladda Soomaaliya ay galkan si rasmi ah ula wadaagi doonto hay’adaha Dawladda Soomaaliya ee ay arrintani sida tooska u khusayso oo ay ugu horrayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Waa markii u horraysay ee Dawladda Chile oo dhacda Koonfurta America una tartamaysa hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ay Soomaaliya si iskeed ah usoo raadiso, isla markaana ay usoo gudbiso codsi rasmi ah oo ku salaysan inay taageero ka hesho Soomaaliya, si ay Chile ugu guulaysato hogaaminta Golahaas, sidoo kale tallaabadan waxay noqotay bilowga xiriir Diplomaasiyadeed oo cusub kaasi oo dhex mara Soomaaliya iyo Chile.



 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Next Post

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Next Post
Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In