Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xagee marayaa qorshaha la wareegida amniga ee CXD

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Xagee marayaa qorshaha la wareegida amniga ee CXD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya ayaa Faah-Faahin ka Bixiyay halka ay marayaan qorshaha ku saabsan in amniga dalka lagu wareejiyo ciidamada xooga  dalka iyo wafuud ka tirsan midowga Afrika oo ku soo fool leh magaalada Muqdisho.

Kusimaha Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya danjire Shaafici Nuur Calas Faarax, ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan wafdi baallaaran oo ka socda midowga Afrika, gaar ahaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ,kuwaas oo gacanta ku haya qorshaha la wareegista ciidanka Xoogga dalka ee arrimaha ammaanka Soomaaliya.

Wafdigaan oo dalka ku soo began 19 ilaa 22-ka bishaan iyo 27 ilaa 30 ka bishaan waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan wakiilo kala duwan oo ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya, wakiilada beesha caalamka iyo taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qanacsay awoodda Ciidanka Xoogga Dalka waxaana qorshahaan la hor geeyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa, iyadoo si gaar ah loogu xil saaray inay arrintaan ka wada shaqeeyaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Africa iyo Dawladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaysa Safaaradda JFS ee Ethiopia.

Safaaradda JFS ee Addis Ababa ayaa u qaabilsan Dawladda Soomaaliyeed daba galka, socodsiinta iyo fulinta qaraaradii laga gaaray arrintan, kuwaas oo intooda badan laga yeeshay is afgarad salka ku haya in laga dhabeeyo sidii ay Ciidanka Xoogga JFS ula wareegi lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

QM oo sheegtay abaarta dalka ku dhufatay ay tahay tii ugu darneed

Next Post
QM oo ka digtay macluul so wajahday dadka Bariga Afrika

QM oo sheegtay abaarta dalka ku dhufatay ay tahay tii ugu darneed

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In