Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cadullaahi Deni, ayaa maanta warbixin ka dhegeeystay Guddiga nabadaynta deegaanka Saax-maygaag.
Shirka waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Puntland, Guddoomiyeyaasha gobolada Sool iyo Nugaal.