Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Qaraxii 17-kii Luulyo ee Magaalada, ayaa kormeer ku tagay goobta ay ka dhacday mashaqadii shalay. ka iyo goobaha uu sameeyay Qaraxa.
Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, oo horkacaya gudigaan ka kooban Howlwadeennada Madaxtooyada iyo Wasiiro ayaa wada qiimeynta, diiwaangalinta dadkii ku waxyeeloobay iyo tirada qasaaraha uu geeystay qaraxii Argagixiso ee shalay ka dhacay Magaalada Jowhar.
Qarax ismiidaaminta oo loo adeegsaday gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo kuyaalla Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle.
Waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 7 qof iyo 3qof oo ku dhimmatay,Dadka oo isugu jira shacab iyo Masuuliin katirsan Hirshabeelle.Dadkii ku waxyeelow ayaana soo gaar Magaalada Muqdisho.