Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedaraalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya mudane, Saciid Cabdulaahi Calsoow ayaa maanta Muqdisho ka furay tababar ku saabsan maareeynta khilaafaadyada iyo dhiiri galinta hawenka ee dhanka ka qeybgalka dowlahaha hoose.
Waxaana ka qeybgalay tababarayaal ka socda wasaaradda Arrimaha Gudaha, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo socon doona muddo labo todobaad ah.
Cumar Faaruuq Cabdulaahi oo ah maareeyaha machadka dowladda hoose ee Muqdisho oo ka hadlay furitaank atababarka ayaa sheegay in tababarkan ay ka soo saari doonaan dad xirfadle ama aqoon u leh arrimaha xalinta khilafaadka.