Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Israa’iil oo Daanta Galbeed ku dilay laba qof oo Falastiiniyiin ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Israa’iil oo Daanta Galbeed ku dilay laba qof oo Falastiiniyiin ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen xaafadda Al-Yasmina ee magaalada Qadiimiga ah ee Nablus, waxayna halkaasi ku dileen Muhamad Azizi, oo 25 jir ah iyo Abdul Rahman Jamal Suleiman Sobh, oo 28 jir ah.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Sida laga soo xigtay Ururka Bisha Cas ee Falastiin, ugu yaraan 12 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi ay fuliyeen ciidamada Israa’ii;,waxaana dadka la dhaawacay ku jira hal ruux oo ay culus tahay xaaladdiisa caafimaad.

Naser Estitya, oo 60 jir ah,isla markaana derid la ah qoysas la weeraray  ayaa sheegay in uu maqlay rasaas ka dhacaysa gudaha dhismo ay si qasab ah ku galeen ciidamada Israa’iil.

Previous Post

Dowladda federaalka oo gurmad u dirtay shacabka gobolka Bakool+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay’adda USAID

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay’adda USAID

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay'adda USAID

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In