Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Abaaraha Oo  Kormeeray Xaladda Carruur ku jirto Isbitaalka Martiini  

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Abaaraha Oo  Kormeeray Xaladda Carruur ku jirto Isbitaalka Martiini  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa u kuur galay xaaladda dadka barakacayaasha ah eek u sugan Magaalada Muqdisho.

Carruur aad u fara badan oo ay heyso nafaqo darro bad’an, ayaa ku jira Isbitaalka Martiini, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka, kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ( Jalaaludiin), ayaa uga warbixiyay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda Carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay Abaaraha ka jira dalka, waxa uuna sidoo kale sheegay in aad loogu baahan yahay in si degdeg ah arrintaan wax looga qabto.

Dadka abaarta ka soo barakacay, ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruufo xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya u badkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Sababaha ugu badan ee arrintaan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maareynta noloshooda iyo u badkooda.

Agaasime Dr. Jalaaludiin ayaa yiri “ waxaa hadda  Isbitaalka ku sugan in ka badan 70 Carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu talagalay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah”.  Ayuu yiri Agaasime Dr. Jalaaludiin

Ugu dambeyn, Ergeyga, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Dowladdaha deeqda siiya Isbitaalka gaar ahaan Dowladda Talyaaniga, hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka Bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan Caruurta nafaqo darrada hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo shahaado Guddoonsiiyay Qaar Kamid Ah Ciidanka XDS

Next Post

Madaxweynaha Dalka Oo Ciidanka XDS Tababar Ugu Soo Xiray  Dugsiga Tababarka ee TurkSom

Next Post
Madaxweynaha Dalka Oo Ciidanka XDS Tababar Ugu Soo Xiray  Dugsiga Tababarka ee TurkSom

Madaxweynaha Dalka Oo Ciidanka XDS Tababar Ugu Soo Xiray  Dugsiga Tababarka ee TurkSom

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In