Siihaya Wasiir Dowlaha Xafiiska Raโiisal Wasaaraha, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumadda magacaaban, ayaa ka qaybgalay aaska Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta ee Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish.
Marxuumka oo horey u soo qabtay xilka Taliyaha Heyโadda Nabadsugidda Qaranka ayaa maanta lagu aasay magaalada Kismaayo ee xarunta KGM Dowlad Gobolleedka Jubbaland.
Allaha u naxariistee, Jeneraal Darwiish ayaa toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Jarmalka oo uu u joogay xaalad caafimaad.