Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Gaarka Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Gaarka Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

U jeedka safarka Ergeyga, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta ay abaaruhu saameeyeen. Ugu horreyn ergeyga, ayaa Maamulka gobalka iyo kan degmada ka dhageystay warbixinta xaaladdaha abaareed ee ka taagan magaalada Cadaado.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Ergeygu wuxuu kormeer ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaaada, Sida xerooyinka Bari iyo Xarardheere oo barakacayaasha ku jira ay u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah oo u baahan gargaar iyo garab istaag degdeg ah.

Waxa uu sidoo kale booqday Isbitaalka guud ee degmada Cadaado oo lagula tacaalayo carruur ay saamaysay nafaqo darradaa ka dhalatay abaaraha ka jira guud ahaan deegaanada ku hareeraysan.

Dadka abaarta ka soo barakacay,ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya u badkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Cadaado waa magaalo marti-galinaysa kumannaan qoys oo abaaruhu ceyrteeyeen, ka dib afar xilli roobaad oo baaqday, cunto yarida iyo nafaqo-xumada , ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini’aadannimo aan kor loo qaadin lana joogteyn.

Ergayga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta, Dowladda, deeq-bixiyaasha, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGOs-ka caalamiga ah in ay gurmad degdeg ah gaar siiyaan dadka tabaalaysan ee ku sugan Cadaado, si macaluusha soo wajahan looga hor tago.





Previous Post

Kooxaha Falastiin oo in ka badan 100 Gantaal ku garaacay Israa’iil

Next Post

Tababar Socday Muddo laba Isbuuc Ah Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Next Post
Tababar Socday Muddo laba Isbuuc Ah Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Tababar Socday Muddo laba Isbuuc Ah Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In