Xafiiska Hagidda Mashaariicda Midowga Yurub ee NAO-Soomaaliya ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaaha ee Xukumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa maantay magaalada Baydhabo ku qabtay kullan Aqoon-is-weedaarsi ku aadan habka maaraynta mashaariicda midowga Yurub ka waddo Soomaaliya.
Iyada oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur galbeed Mudane Cali Macalin, Madaxa qeybta dowlada wanaaga Xafiiska NAO-da ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Howl-wadeenno ka socday Wasaaraddaha kala gadisan ee Maamul Gobeleeda Koonfur galbeed.
waxyaabaha looga hadlaayo kullanka waxaa ka mid ah; hannaanka loo curiyo mashaariicda, maamuliddoda, qaabka loo qiimeeyo iyo siday dowlad gobaleedkan uga faaโiideystay Mashruuca horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay ‘ILED’,
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed, Mudane Dr Cali Macalin ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay in tababarkaan muhiim u yahay Hayโaddaha dowlad goboleeddyada dalka oo ay Koonfur galbeed ugu horeyso, isla markaana looga baahan yahay in ay si wannaagsan uga faaโiideystaan howl-wadeenada ka socda Hayโaddaha aas-aasiga u ah bulshada ee dowlad gobaleedkan.