Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha Oo Kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kormeer ku tagay Xafiisyada Xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sidoo kale ka warbixiyay waxqabadka Hay’adda ee sanadkii la soo dhaafay isagoo dhanka kalana soo jeediyay qorshayaasha u degsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda shanta sano ee soo socoto. Agaasime Cabdul ayaa Wasiirka iyo Madaxda kale ee Wasaaradda la wadaagay caqabadaha shaqo ee ku hor gudban Hay’adda isagoo sidoo kale soo bandhagay Xalka looga gudbi karo cabaqadaha uu xusay Agaasimaha Guud ee Hay’adda.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026

Dhanka kale Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha Amniga ayaa kormeer ku sameeyeen Goobaha laga soo dago iyo kuwa laga baxo ee Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho isagoo warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo kormeerayaasha Socdaalka Garoonka Aadan Cabdulle. Sidoo kale Xafiisyada uu kormeerka ku sameeyay Wasiirka Amniga gudaha waxaa kamid ahaa Waaxda Ajaanibta iyo fiisooyinka iyo Waaxda Jinsiyadda isagoo booqday Xarunta ugu weyn ee laga bixiyo adeegga baasaboorka Soomaaliya ee Degmada Hodan.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Hay’addu ka heyso dal iyo dibedba isagoo uga mahadceliyay Agaasimaha guud iyo guud ahaan Howlwadeenada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ku kala sugan dalka iyo dibeddiisa. Wasiirka ayaa sheegay in caqabadaha shaqo ee ka jiro Hay’adda ay si wadajir ah uga wadashaqeyn doonaan Wasaaradda iyo Agaasinka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda isla markaana lala imaan doono xal waara ee looga gudbi doono caqabadaha jiro.

Ugu dambeyn, Kormeerka shaqo ee Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiiru Dowlaha Amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud (Obow). Dhanka kale Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaa iyana goobjoog ahaa Kormeerka uu ku yimid Xafiisyada xarunta dhexe ee Hay’adda K/xigeenada Agaasimaha Guud iyi qaar kamid ah Waaxyaha Hay’addu ka koobantahay.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

Next Post

Ciidamada Galmudug oo howlgal qorseesan Gaalkacyo ka sameeyay

Next Post
Ciidamada Galmudug oo howlgal qorseesan Gaalkacyo ka sameeyay

Ciidamada Galmudug oo howlgal qorseesan Gaalkacyo ka sameeyay

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

February 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay howlwadeennada iyo shaqaalaha Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In