Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse.
Kulanka soodhaweynta wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka madaxweynaha waxa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.