Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed, mudane Saalax Jaamac ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin bulshada qeybta ugu badan ee ay shaqo la’aantu hayso.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Jaamac ayaa xusay in Xukuumaddu muhiimad gaar ah ay siinayso sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa shaqooyin.