Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Oo kulan La Qaatay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga Oo kulan La Qaatay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Hon. Jibril Abdirashid Haji oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane. Abdisalam Sharif Hussein, Wasiir ku-xigeenka Hon Osman Mohamed Abdi iyo Agaasimaha guud Mudane. Abdiaziz Ibrahim Adan, ayaa kulan la qaateen Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Mudane. Maxamed Cabdi Cali (Gabayre), waxay iska xog-waraysteen xaaladda ganacsi ee dalka, dedaalada socda, caqabadaha jira iyo weli ba xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wax-soo-saarka dalka si Soomaaliya ay dheeli-tir ganacsi u la yeelato dalalka ay wax ka soo dhoofsato, mudnaanta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, fududeynta ganacsiga iyo weli ba siddoo kale xalinta caqabadaha jira ee haysta ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji oo la hadlayey Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada kale ba, ayaa ugu horreyn Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku lee yihiin horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay kaalin weyn ka soo qaateen badbaadinta qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirku, wuxu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo uu tilmaamay inay muhiimad gaar ah siin doonaan dhinacyada shuruucda iyo siyaasadaha bud-dhiga u ah horumarka dhaqaale iyo midka ganacsi ee dalka. Sidoo kale, wuxu xusay inay ganacsatada Soomaaliyeed kala shaqeyn doonaan siddii wax loogga qaban lahaa caqabadaha jira iyo weli ba siddii looggu fududeyn lahaa suuqyada ganacsi ee caalamka.

 

Related posts

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026

Ugu dambayn, Wasiir Jibriil, wuxu xusay inay si gaar ah u dhiiri-gelinayaan maal-gashiga ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka isla-mar-ahaantaana ay ka Wasaarad ahaan ka shaqeyn doonaan shuruucdii iyo siyaasadihii fududeyn lahaa wax-wada lahaanshiyaha dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah si horumar loogga gaadho maal-gashiga qeybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha gaar ahaan Warshadaha dalka taas oo abuurti doonta shaqo abuur aad u badan.










 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Qaabilay Wakiilka Bangiga adduunka 

Next Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐓𝐈𝐂𝐀𝐃𝟖

Next Post
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐓𝐈𝐂𝐀𝐃𝟖

𝐑𝐚'𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐓𝐈𝐂𝐀𝐃𝟖

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In