Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Oo kulan La Qaatay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsigaย 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
August 28, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga Oo kulan La Qaatay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsigaย 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Hon. Jibril Abdirashid Haji oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane. Abdisalam Sharif Hussein, Wasiir ku-xigeenka Hon Osman Mohamed Abdi iyo Agaasimaha guud Mudane. Abdiaziz Ibrahim Adan, ayaa kulan la qaateen Masโ€™uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Mudane. Maxamed Cabdi Cali (Gabayre), waxay iska xog-waraysteen xaaladda ganacsi ee dalka, dedaalada socda, caqabadaha jira iyo weli ba xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wax-soo-saarka dalka si Soomaaliya ay dheeli-tir ganacsi u la yeelato dalalka ay wax ka soo dhoofsato, mudnaanta hayโ€™adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, fududeynta ganacsiga iyo weli ba siddoo kale xalinta caqabadaha jira ee haysta ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji oo la hadlayey Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada kale ba, ayaa ugu horreyn Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku lee yihiin horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay kaalin weyn ka soo qaateen badbaadinta qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirku, wuxu sheegay inay ka goโ€™an tahay horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo uu tilmaamay inay muhiimad gaar ah siin doonaan dhinacyada shuruucda iyo siyaasadaha bud-dhiga u ah horumarka dhaqaale iyo midka ganacsi ee dalka. Sidoo kale, wuxu xusay inay ganacsatada Soomaaliyeed kala shaqeyn doonaan siddii wax loogga qaban lahaa caqabadaha jira iyo weli ba siddii looggu fududeyn lahaa suuqyada ganacsi ee caalamka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ugu dambayn, Wasiir Jibriil, wuxu xusay inay si gaar ah u dhiiri-gelinayaan maal-gashiga ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka isla-mar-ahaantaana ay ka Wasaarad ahaan ka shaqeyn doonaan shuruucdii iyo siyaasadihii fududeyn lahaa wax-wada lahaanshiyaha dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah si horumar loogga gaadho maal-gashiga qeybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha gaar ahaan Warshadaha dalka taas oo abuurti doonta shaqo abuur aad u badan.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Qaabilay Wakiilka Bangiga adduunkaย 

Next Post

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐ก๐ฎ๐๐›๐š๐ ๐ค๐š ๐ฃ๐ž๐ž๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐“๐ˆ๐‚๐€๐ƒ๐Ÿ–

๐‘๐š'๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐ก๐ฎ๐๐›๐š๐ ๐ค๐š ๐ฃ๐ž๐ž๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐“๐ˆ๐‚๐€๐ƒ๐Ÿ–

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israaโ€™iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In