Wednesday, May 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha XFS ee Hindiya oo Kulan la qaatay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Danjiraha XFS ee Hindiya oo Kulan la qaatay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Amb Axmed Cali Daahir ayaa kulan muhiim ah la qaatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada caasimada ah, ee New Delhi ee dalka Hindiya.

Related posts

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa is xogwareysi, kala warqaadasho iyo sidii looo joogteyn lahaa wadashaqeynta bulshada iyo Safaaradda, xiriir dhawna ay ka yeeshaan caqabadaha soo wajaha ee u baahan in ay Safaradddu wax ka qabato.

Xubno u hadlaayey bulshada ayaa soo jeediyay dhibaatooyinka ay la kulmaan iyo guud ahaan caqabadaha ka haysta adeegyada kala duwan ee ay uga baahdaan dowladda iyo shacabka reer Hindiya.

Danjiraha oo hadalka qaatey ayaa ugu horreyn uga warramay bulshada xaaladda dalka gaar ahaan xaaladda Safaaradda Soomaaliyeed ay ku sugan tahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo iskaashi bulsho oo buuxa.

Danjiraha ayaa ballan qaaday in caqabadaha qaar uu si hoose u gali doono waxna ka qaban doono sidii loo xalinlaha.

Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa dalka Hindiya u yimaado xaalado kala duwan sida arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

Ugu dambeyn kulanka danjiraha iyo bulshada Soomaaliyeed ee New Delhi ayaa ku soo idlaaday jawi Isfahan iyo wax wadaqabsi ah bulsho iyo ka Safaarad ahaan si ay ugu wada shaqeyaan hanaan dowladeed iyo is gacansiin buuxda.

Previous Post

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada degaanka iyo maleeshiyaadka Al-shaab oo ka dhacay Galbeedka Beledweyne

Next Post

RW Xamse oo qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Next Post
RW Xamse oo qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

RW Xamse oo qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga...

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In