Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixin guud shaqooyinka socda, xaaladda Abaarah iyo gurmadka socda.