Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Biyaha XFS oo ka digtay roobyarida xiliga Deerta

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
September 1, 2022
in Wararka
0
Wasaaradda Biyaha XFS oo ka digtay roobyarida xiliga Deerta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyeraadka Biyaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo si dhow ula socota Maraxaladaha adeegyada Saadaasha iyo Kormeerka biyaha (Hydrometeorological Monitoring Services) ee dalka, waxay Wasaaraddu shaacinaysaa in saadaasha xilli-roobaadka dayrta ee nagu soo fool leh ay muujinayso in roobka dayrtu uu aad uga hooseeyo sida caadiga ah (below normal) guud ahaan dalka, marka laga reebo qaybo yar oo kamid ah gobollada waqooyi oo iyagu heli doona roobab wanaagsan haduu Alle Idmo. Sidoo kale, waxaa suuragal ah in roobka dayrtu uu ka soo daahi karo Gobolada Koonfurta Iyo Bartamaha Dalka (Late Onset).

Roob yarida la filayo awgeed, heerkulka ayaa suuragal ah in uu aad uga sare maro oo uu gaaro ilaa 40oc, kaasoo sababi kara uumi-bax farabadan oo ku yimaadda roobka yar ee la filayo. Socodka qul-qulka biyaha ee wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa la filayaa inay si wayn hoos ugu dhacaan. Sidoo kale, Waxaa suuragal ah in Wabiga Jubba uu gaaro meel aad u hoosaysa, deeganada qaarna ay qallalaan ama ay ku dhacdo abaar-biyood darani (Hydro-drought). Afar xilli roobaad oo is xig-xiga oo aan sidi larabay u di’in, meelaha qaarna aynaan wax roob ah helin, ayaa suuragal ah in uu hoos u dhac weyni ku yimaado cabbirka joogga biyaha dhulka hoostiisa sida ceelasha, oo ku xiran roobka.

Waxaa kaloo jira in Deegaanno badan ay qiimaha biyuhu uu sare kac ku yimid, taasoo sii laba-jibbaari karta qiimaha biyaha haddii roobka dayrta yaraado.

Hadaba Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha oo ka falcelinaysa saadaasha xilli roobaadka Dayrta ayaa walaac ka muujinaysa saadaasha taban ee ku aaddan roobka Dayrta oo siwayn loogu baahi qabay, wax wayna ka tari lahayd abaarta daran ee hadda dalka ka jirta. Wasaaradda ayaa ku baaqaysa inay lagama maarmaan tahay in Wasaaradaha Biyaha heer Fedraal, Maamul Gobaleed iyo bah-wadaagtoodu ay xoojiyaan isku xirnaanta iyo wadashaqaynta, una diyaar garoobaan ka jawaabidda biyo-yarida iyo u gargaaridda dadka iyo duunyada.

Previous Post

Madaxweyne Deni oo Guddoomiyay shirka golaha Wasiirada

Next Post

Wasiirka Ganacsiga iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Next Post
Wasiirka Ganacsiga iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Ganacsiga iyo Mas'uuliyiin Kale Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In