Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Abdullahi Maxamed Ali ayaa maanta kulan miro dhal ah Wasaaradda kula Qaatay wafdi ka socday hayโada FAO.
Wasiirka Iyo wafdigaan soo booqday Wasaaradda ayaa kawada hadlay sidii wada shaqeyn dhaw Iyo xariir ay u yeelan lahaayeen Wasaaradda Iyo hayโada FAO si looga dar dar galiyo taakuleynta Iyo garab istaaga bulshada Soomaaliyeed ee abaarto aafeysay loogana gudbo waqtigaan adag ee dalka Iyo dadku wajahayo.
Kulankaan ayaa Intii uu socday lagu lafa guray wax ka qabashada arimaha Abaaraha, shaqa abuurka Iyo hormarinta arimaha bulshada ayadoo hayaโada FAO ay balan qaaday inay kala shaqeyn doonto wasaaradda shaqa abuurka Iyo hormarinta arimaha shaqada.
Wafdiga FAO ayaa waxaa hogaaminayay madaxa Soomaaliya ee hayโadaas Etienne Peterschmitt waxaana la filayaa in taageeeradoodu soo dhaqsato.