Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin kooban iyo talooyin kaga dhagaystay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Dr Cali Ciise.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu dhiirgalinayo cilmibaarista dhaqaalaha ee ay guddigu wadaan – waxaana uu intaa raaciyay inay muhiim tahay in la adkeeyo wadashaqanta Guddiga iyo Gudi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Xukuumadda, si loo xoojiyo tayada iyo wadashaqeynta ha’yadaha maaliyadda ee dalka.