Wakaaladda wararka ee Tass oo soo xiganaysa ciidamada ilaalada xudduudaha ee Tajikistan, ayaa sheegtay in ciidamada Kyrgyzstan, ay dib u bilaabeen duqeymaha ay la beegsadeen qeybo kamid ah xudduudaha Tajikistan, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saareysa xabad joojintii horay loogu heshiiyay.
Dalalkan jaarka ah ee Tajikistan iyo Kyrgyzstan, ayaa saacadahii la soo dhaafay ku dhawaaqay in ay dhaqan geliyeen heshiis Xabbad joojin ah oo u dhaxeeya labada dhinac, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay isku horfadhiyay xuduudaha ay wadagaan, hase yeshee Af-hayeenno u hadlay labada Dowladood ayaa ku eedayay dhinaca kale inuu dib u bilaabay dagaalkan.
Tajikistan ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalkan cusub uu kaga dhintay hal Askari, halka sedax kalana ay kaga dhaawacmeen.
Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Kyrgyzstan, ayaa shaacisay in tirada dadka ku dhintay dagaalka dib ugu bilowday gobolka Batken ee dhaca xuduuda ay la leeyahiin Tajikistan ay gaartay 59 ruux.