Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Daah furay Shirka Madasha Qaran ee Beeraha “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Daah furay Shirka Madasha Qaran ee Beeraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xarunta Wasaaradda ee Magaalada Muqdisho ku qabtey shirka Madasha Qaran ee Beeraha (National Agriculture Forum) oo looga hadlayey waxyaabaha hortabinta u leh Wax soo saarka Beeraha iyo sugnaanta Cuntada.

Shirka Madasha Qaran ee Beeraha oo uu furey Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane. Axmed Madoobe Nuunow ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasiirada, Agaasimayaasha Guud iyo Lataliyayaasha Wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed.

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026

Shirkaan oo socon doona muddo seddex maalmood ah, ayaa waxaa furay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa lagu falanqeyn doona xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, fursadaha iyo caqabadaha jira ee xalka u baahan.Iyo mideynta Istaraatiijiyada kobcinta wax soo saarka Beeraha, Sugnaanta Cuntada iyo suuq u helida Beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow, ayaa xusay Isbarasho iyo soo dhoweyn kaddib, inay diiradda saari doonaan,Waxyaabaha hortabinta u leh Wasaaradaha Beeraha oo Dalka muhiim u ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa xusay Inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sare u qaadida wax soo saaarka si uu Dalku u gaaro isku filnaansho cunto.

Ugu dambeyn Wasiirada Beeraha ee Dowlad Goboleedya oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirka madasha Qaran ee Beeraha,waxeyna tilmaameyn inay rajeynayaan inuu kusoo Dhaamado is afgarad iyo wax wada qabsi dhanka Horumarinta Beeraha ah.

Previous Post

Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Oo Laga Daah Furay Gaalkayo

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Iyo xeeldheereyaal Caalami ah Oo kawaanka malayga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Iyo xeeldheereyaal Caalami ah Oo kawaanka malayga “SAWIRRO”

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Iyo xeeldheereyaal Caalami ah Oo kawaanka malayga “SAWIRRO”

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In