Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka kalluumeysiga XFS Oo Ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday EUCAP

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
September 18, 2022
in Wararka
0
Wasiirka kalluumeysiga XFS Oo Ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday EUCAP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aaden oo ay wehliyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Maxamed Bashiir Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafti ka socda howlgalka Midowga yurub ee EUCAP.

Waftiga waxaa hoggaaminayey Christopher Reynolds oo ah madaxa howgalka ee Soomaaliya isaga oo ka warbixiyey shaqada ay qabtaan ee ku saabsan kordhinta xirfadaha iyo tababarrada ee la xiriira ilaalinta xeebaha, kalluumeyiga iyo habka jallaabashada casriga ah.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Christopher, ayaa sidoo kale Wasaaradda u sharaxay sida ugu habboon oo ay isku kaashan karaan, iyaga oo kaa faa’iideysanaya waaya-aragnimadooda ku saabsan waaxda kalluumeysiga iyo ilaalinta Badda, Waxaana uu sheegay in diyaar u yihiin sidii ay Wasaaradda uga taageeri lahaayeen sidii ay u hagaajin lahaayeen hababka casriga ah ee maamulka kalluumeysiga, kuwaas oo kaalin ka qaadan kara suuqgeygta caalamiga ah ee kalluunka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka BADDA Mudane Axmed Xasan Aaden, ayaa Waftiga EUCAP uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta Wasaaradda, isaga oo xusay in ay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha muhiim ka ah ee ay u hayaan dalka, gaar ahaan dhinacayda kordhinta xirfadaha kalluumeysiga iyo ilaalinta xeebaha.

Wasiirka,ayaa sheegay in doonayaan in ay kala shaqeeyaan sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada kuwaas 75 boqolkiiba ka ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana u intaa ku daray in sidoo kale doonayaan in kala shaqeeyaan wasaaradda farsamooyin ka muhiim ka ah ee ku saabsan ka gaashaamashada kalluumeysiga sharci darada ah oo ay dowlaha shisheeye ka sameeyaan Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda, la taliyaha gaarka ah ee Wasiirka iyo xubno kale oo qeyb ka ahaa waftiga ka socday howlgalka EUCAP.




Previous Post

Tababar Ku Saabsan Maareeynta Biyaha Oo Laga Daah-furay Muqdisho “SAWIRRO “

Next Post

Cali Xuseen Oo Isku Soo Dhiibay Ciidan Xoogga Dalka Qeybta 60aad 

Next Post
Cali Xuseen Oo Isku Soo Dhiibay Ciidan Xoogga Dalka Qeybta 60aad 

Cali Xuseen Oo Isku Soo Dhiibay Ciidan Xoogga Dalka Qeybta 60aad 

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In