Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa baadigoobaya ugu yaraan lix muhaajiriin ah oo lagu laโyahay Jasiiradda Leros, sida ay sheegeen saraakiisha xeebaha dalkaas oo sidoo kale baaraya waxyaabahii sababay shilkan.
Sida uu Wakaaladda AFP u sheegay afhayeen u hadlay Ciidamada ilaalada xeebaha ee Leros ayaa helay 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyo Doontii ay wateen.
Dadka saarnaa Doonta ayaa sida la sheegay u badnaa Sierra Leone, Soomaali iyo Uganda,ย Saraakiisha baadi goobka dadkan ku howlan ayaa sheegay in Doontan ay saarnayeen 55 qof, waxaana wali la laโyahay Lix ruux.
Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ay billaabeen howlgallo balaaran oo lagu samatabixinaayo dadkan Tariibayaasha ah.
Laba markab oo nooca Ganacsiga ah ayaa hawlgalkan ka bilaabay Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebaha koonfur-galbeed ee Giriigga, si loo soo badbaadiyo dad la sheegay in wali lagu laโyahay Badda.
Sarakiisha gurmadka u sameeyay dadka la badbaadiyay ayaa sheegay in la geeyay dekada Kalamata ee dalkasi Giriigga.