Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Oo Tababar Ugu Furmay Magaalada Kampala “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Oo Tababar Ugu Furmay Magaalada Kampala “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hawl-wadeenno ka socda Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa safar aqoon kororsi ah ugu socon doono  muddo shan cisho qaatay  Magaalada Kampala  ee Dalka Uganda. Howlwadeenada, ayaa  booqasho rasmi ah ku tagay xaafiska NAO iyo mashaariic horumarineed oo uu fuliyay xafiiskaasi.

Hawl-wadeenada, ayaa warbixino la xariirta daadejinta maareeynta mashaariicda, hababka kormeerka, qiimeynta iyo qorshooyinka horumarineed ka dhageystay xubno sar sare oo ka socda Wasaaradda Maaliyadda, Qorsheynta, Maalagshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Wadanka Uganda.

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025

Ku-xigeenka Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta  ahna Madaxa Mashaariicda Dowladda ee EU-da Mudane Cabdi Muxumad Axmed, ayaa sharaxay u jeedada socdaalka Aqoon korarsiga u lahaa howlwadeenada ka socday Wasaaradda Qorsheynta.

“ Waxaan  safar  aqoon iyo waayo aragnimo korosi loogu talagalay in howlwadeenada Wasaaradda Qorsheynta gaar ahaan Xafiiska Maareynta Mashaariicda EU ka helaan, ayaan kala soo laabanay waayo aragnimo waxtar u leh dalka, waxyaabihii aan soo aragnay waxaa kamid ahaa Mashaariic waaweyn oo loo agaasimay si aad u qurux badan, sidoo kale waxaan ogaanay haddii aan helno dowlad qaangaar ah oo ku taagan dhidibbo adag in aan mashaariicda horumarinta u maareyn karno sida ugu haboon oo looga jawaabi karo baahiyaha dalkeena kajira iyadoon waxba naloo yeerin”.

“Sidoo kale waxaan safarkeena kusoo marnay goobaha ay ka socdaan Mashaariicda horumarinta ee dalka Uganda waxaan ogaanay fursado badan iyo caqabadaha dhaca maalin walba, kuwaas oo lagu bixiyo kharash aad u badan oo dalkeena ku asteysan, si lamid ahna waxaan kasoo baranay sida ugu habboon ee qaladaadkaas loo sixi karo. Waxyaabihii aan kusoo baranay waxaa kaloo kamid ahaa Kormeerka, Qiimenta iyo  Hubinta Mashaariicda, Ilaalinta Bey’adda, Shaqo Abuurka, kobcinta Dhaqaalaha iyo keydinta Dokumentiga. Waxaan ku dadaalnay in aan abuurno saaxiibtinimo iyo wada shaqeyn dhow ee labada xafiis ee NAO-Somalia – NAO Uganda iyo Wasaaradda Maaliyadda, Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee dalka Uganda.” Ayuu yari Cabdi Muxumud.

Ujeeddada socdaalka howl-wadeenada, ayaa qeyb ka ah aragtiyada hoggaanka sare ee Wasaaaradda ee ku aaddan kor u qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda si loo maareyo loona hirgaliyo yoolalka kala duwan ee Qaranka, sida ku cad Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-Aad.





Previous Post

Guddoomiyaha Degmada Xudur Oo Kormeerey Dhismaha Warta Lagu Keediyo Biyaha

Next Post

Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Furay Kalfadhiga 5aad Ee Golaha Deegaanka Degmada    

Next Post
Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Furay Kalfadhiga 5aad Ee Golaha Deegaanka Degmada    

Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Furay Kalfadhiga 5aad Ee Golaha Deegaanka Degmada    

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In