Friday, September 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay tahriibayaal ku xannibnaa Libya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
September 27, 2022
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay tahriibayaal ku xannibnaa Libya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Ergayga Gaarka ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan.

Dadkan ayaa kal hore kazoo baxsaday  Magafe oo ah koox ka ganacsata isla markaana ciqaaba tahriibayaasha, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariiray Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

September 19, 2025
Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

September 18, 2025

Waxaa Garoonka Diyaarradaha ku soo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb; Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Amb. Maryan oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go,doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaarah dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac “Huruuse” oo la kulmay dhiiggiisa Liibiya ayaa kala hadlay badbaadada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirran sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo

Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan isla markaana ku xayiran dalalkaas in ay dalkoodu dib ugu soo celiso,ugu dambeyntii Amb. Maryan Yaasiin ayaa sheegtay in Tahriibku yahay musiibo qaran una baahan in loo helo xal waara.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Shibis.

Next Post

Ciidamada Xooga Dalka Gobolka Bakool oo maanta howgallo ka sameeyey deegaanno hoostaga degmada Xuddur.

Next Post
Ciidamada Xooga Dalka Gobolka Bakool oo maanta howgallo ka sameeyey deegaanno hoostaga degmada Xuddur.

Ciidamada Xooga Dalka Gobolka Bakool oo maanta howgallo ka sameeyey deegaanno hoostaga degmada Xuddur.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

September 19, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka,...

Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

September 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay saldhigga Booliska...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

September 18, 2025
0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise...

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In