Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xooga Dalka Gobolka Bakool oo maanta howgallo ka sameeyey deegaanno hoostaga degmada Xuddur.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
September 27, 2022
in Wararka
0
Ciidamada Xooga Dalka Gobolka Bakool oo maanta howgallo ka sameeyey deegaanno hoostaga degmada Xuddur.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha Ciidamada Guutada 9aad Qeybta 60-aad ee CXD iyo Maamulka Gobolka Bakool ayaa horkacayay howgalladaan maanta laga sameeyay deegaanno hoos taga degmada xuddur.

Ciidamada ayaa saaka dhowr jiho u dhaqaaqay, waddada aadda dhinaca bari ee xiriirisa xuddur iyo tiyeeglow oo tuulooyin aad ufarabadan ku teedsan yihiin ciidamada howgalka u aaday waxa hogaaminayay Taliyaha Ururka 51-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad gobolka bakool laba xidigle Deerow Macalin Cabdi ,deegaannada ay gaareena waxa ka mid ah Farag, Wargaloole, Luwaay weyne iyo Huuyaley.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Waddo magaalada uga baxda dhinaca galbeed oo ay ku baxeen ciidamada xoogga dalka waxa qeyb ka ahaa oo hogaaminayay saraakiisha taliska guutada 9-aad  gobolka Bakool oo uu hormuud u yahay Abaanduulaha guutada, Cabdullaahi Maxamed Yare Ugaas Kunow iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool , Maxamed Cabdi Tol waxayna socdaal lugta ah ku gaareen deegaanno malleeshiyada Al-shabaab ay ka arriminaysay haseyeshee wax iska horimaad ah kala kulmin.

Deegaannada howgalka ay ku tageen waxa ugu waaweyn deegaanka Aboorre oo 20km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada iyo tuulada Dhumiyi-Oomane oo 25km dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada xuddur.

Maamulka iyo saraakiisha ayaa howgalka ka sokow waxa ay qiimeyn ku samaynayeen xaaladda dadka fara kutiriska sh ee weli deegaanadooda kabarakicin oo saamaynta abaarta wajiyahooda iyo deegaanka ay degan yihiin aad looga dareemayay, hase ahaatee tuulooyinka qaar waa lagawada barakacay.

Guddoomiye Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol oo warbaahinta lahadlay xilli ciidamada ay ku sugnaayeen tuulada Dhumiyi-Oomane ayaa sheegay in deegaanada kale maleeshiyada ku tuhmayaan maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay tahriibayaal ku xannibnaa Libya.

Next Post

Wasaaradda Kalluumeysiga oo soo gudbisay bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira.

Next Post
Wasaaradda Kalluumeysiga oo soo gudbisay bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira.

Wasaaradda Kalluumeysiga oo soo gudbisay bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira.

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In