Saraakiisha Ciidamada Guutada 9aad Qeybta 60-aad ee CXD iyo Maamulka Gobolka Bakool ayaa horkacayay howgalladaan maanta laga sameeyay deegaanno hoos taga degmada xuddur.
Ciidamada ayaa saaka dhowr jiho u dhaqaaqay, waddada aadda dhinaca bari ee xiriirisa xuddur iyo tiyeeglow oo tuulooyin aad ufarabadan ku teedsan yihiin ciidamada howgalka u aaday waxa hogaaminayay Taliyaha Ururka 51-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad gobolka bakool laba xidigle Deerow Macalin Cabdi ,deegaannada ay gaareena waxa ka mid ah Farag, Wargaloole, Luwaay weyne iyo Huuyaley.
Waddo magaalada uga baxda dhinaca galbeed oo ay ku baxeen ciidamada xoogga dalka waxa qeyb ka ahaa oo hogaaminayay saraakiisha taliska guutada 9-aad gobolka Bakool oo uu hormuud u yahay Abaanduulaha guutada, Cabdullaahi Maxamed Yare Ugaas Kunow iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool , Maxamed Cabdi Tol waxayna socdaal lugta ah ku gaareen deegaanno malleeshiyada Al-shabaab ay ka arriminaysay haseyeshee wax iska horimaad ah kala kulmin.
Deegaannada howgalka ay ku tageen waxa ugu waaweyn deegaanka Aboorre oo 20km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada iyo tuulada Dhumiyi-Oomane oo 25km dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada xuddur.
Maamulka iyo saraakiisha ayaa howgalka ka sokow waxa ay qiimeyn ku samaynayeen xaaladda dadka fara kutiriska sh ee weli deegaanadooda kabarakicin oo saamaynta abaarta wajiyahooda iyo deegaanka ay degan yihiin aad looga dareemayay, hase ahaatee tuulooyinka qaar waa lagawada barakacay.
Guddoomiye Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol oo warbaahinta lahadlay xilli ciidamada ay ku sugnaayeen tuulada Dhumiyi-Oomane ayaa sheegay in deegaanada kale maleeshiyada ku tuhmayaan maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin.