Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda UK oo boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Dowladda UK oo boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal, ayaa la kulantay Agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska, Dr. Rannia Leontaridi.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga adeegyada Duulista Hawada iyo horumarinta wadaaga khibrada iyo tababarada , iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista hannaanka maamulka iyo adeegga ee Duulista Hawada Soomaaliya.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulanka ku sheegtay inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo iskaashiga caalamka , si nidaamka Hawada sare ee Dalka uu u muujiyo doorkiisa dunidda.

“ Dalkeenna maanta wuxuu jooga halkii uu uga mid noqon lahaa waddamada leh hawada adeegyadeeda iyo maamulkeeda la isku haleyn karo , annagoo ka faa’iideysanayna sida ay hawadeena u tahay goob istiraatiji ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Leontaridi ayaa dhankeeda boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada , iyadoo marka xaqiijisay sida ay uga go’antahay inay xoojiyaan doorkooda iskaashiga iyo taageerro ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog u ahaa , maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , MudaneAxmed Macalin Xasan.

 

Previous Post

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Magacaabay Guddi qiimeeya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Beledweyne

Next Post

Hawlgalka ECOWAS oo la kulmay hogaamiyihii dhawaan afgambiga ka sameeyay Burkina Faso

Next Post
Hawlgalka ECOWAS oo la kulmay hogaamiyihii dhawaan afgambiga ka sameeyay Burkina Faso

Hawlgalka ECOWAS oo la kulmay hogaamiyihii dhawaan afgambiga ka sameeyay Burkina Faso

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In