Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan laqaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan laqaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta  Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulan laqaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf, kaasi oo diirada  lagu saarayay dadaallada dib u xorreynta ee gobalada dalka ka socda, ka jawaabista abaaraha,  u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada iyo adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.

Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaannada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta isaga oo soo qaatay qorshaha ciidanka xoogga dalka ee ku aaddan u gargaaridda deegaannada kala duwan ee ku yaalla Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa  ugu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Alshabaab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda. Wasiirka waxaa uu ku dheeraday qorshaha wasaaradda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg ee heysta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada uu howgalka ka socdo iyo kuwa dhimman.

Previous Post

Golaha Guud ee QM oo shir deg-deg ah ka yeelanaya xaalada Ukraine

Next Post

G/Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post
G/Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

G/Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In