Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan laqaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan laqaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta  Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulan laqaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf, kaasi oo diirada  lagu saarayay dadaallada dib u xorreynta ee gobalada dalka ka socda, ka jawaabista abaaraha,  u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahinta maamullada iyo adeegyada bulsho, xasillinta guud ahaan iyo arrimo kale.

Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaannada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta isaga oo soo qaatay qorshaha ciidanka xoogga dalka ee ku aaddan u gargaaridda deegaannada kala duwan ee ku yaalla Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa  ugu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Alshabaab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab istaagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda. Wasiirka waxaa uu ku dheeraday qorshaha wasaaradda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg ee heysta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada uu howgalka ka socdo iyo kuwa dhimman.

Previous Post

Golaha Guud ee QM oo shir deg-deg ah ka yeelanaya xaalada Ukraine

Next Post

G/Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post
G/Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

G/Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge ka tirsan Khawaarijta

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

March 2, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In