Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maantaย magaalada The Hague ee dalka Boqortooyada Netherlands kulan kula qaatay Marwo Vera Bergkamp, oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada baarlamaan, iyo is-dhaafsiga aqoonta ee la xirirta xildhibaannadda iyoย howlwadennada.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaย Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiintooda uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyoย wafdigiisa waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay dagaal adag kula jirto kooxda agagaxisada Al Shabaab iyo degaannadda laga xorreeyay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa.