Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Xil. Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa maanta Tababar socon doona muddo (Afar) maalmood ah u furay qaar ka mid ah Xildhibannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu baran doono Cadaaladda Bushada iyo Sida loogu shaqeyn karo Siyaasada Qaranka.
Aqoon is-weydaarsigan, ayaa ku saabsan is-dhexgalka mabaadi’da Caddaaladda Bulshada ee siyaasadda, Sharciga Qaranka iyo horumarinta ku aaddan Caddaaladda Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu socdo diirrada lagu saari doonaa sida suurata galnimada leh ee loo gaarsiin karo Cadaaladda Bulshadda.
Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ayaa u dardaarmay Xildhibaannada Tababarkan u furmay ” Waa inaad ka faa’iideysataan Tababarkaan,Waana inaad dhaqan galisaan Cilmiga aad halkaa ku baran doontaan, Waa inaad ugu Cadaaladda fashaan Bulshada aad Mas’uulka ka tihiin, sida, dadka lixaadkood aan dhameystirneyn, Carruurta, Danyarta, Xuquuqda Haweenka iyo dhamman xuquuqda Bulshada”.Ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.