Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta XFS Oo Soo  Bandhigay Qorshaha Dowladda Ee Deegaannada Laga Saaray kooxaha Argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta XFS Oo Soo  Bandhigay Qorshaha Dowladda Ee Deegaannada Laga Saaray kooxaha Argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena ayaa guddoomiyay shirkii saddexaad ee Guddiga Hagidda Qaran (GHQ) ee barnaamijka horrumarinta maxalliga iyo dhaqaalaha loo dhan yahay (ILED).

Wasiir Beene Beene oo faah-faahiyay qodobada looga hadlay shirkan ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in deegaanada laga saaray Al-Shabaab laga hirgaliyo xarumo Caafimaad, mida maamulka iyo Saldhigga ciidanka, si adeegyada dowladda hoos loogu sii daadajiyo dadka.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

“Maanta waxaan xoogga saarnay mashaariicda xasilinta (Stabilization Projects), madaama dalka uu dagaal ku jiro. Meelaha laga saaray kooxaha argagixisada, dadku waxey u baahan yihiin dib u dejin, sidoo kale goobahaasi waxey u baahanyahiin in loo dhiso xarumihii lagu deegaameyn lahaa sida xarunta maamulka, adeegyada caafimaadka iyo in la furo saldhigyada booliska” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud  Cabdiraxmaan Beena-beena oo ka hadlayay Mashruuca ILED ayaa raja wanaagsan ka muujiyay inuu mira dhal noqdo, iyadoo ay iskaashi la yeelanayaan maamul goboleedyada.

“Mashruuca ILED waxa uu bilaha soo socda uu awoodiisa isugu geeyn doonnaa in mashaariicda xasilinta laga mira-dhaliyo dowlad goboleedyada dalka, iyada oo la gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee aan helin adeegyada dowladda qeybaheeda kala duwan.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo Bilowday Qiimeynta Wax-aqriska Ardayda Dhigata Dugsiyada Hoose Ee Dalka

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan Sagootin La Qaatay Safiirka Qatar Ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan Sagootin La Qaatay Safiirka Qatar Ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan Sagootin La Qaatay Safiirka Qatar Ee Soomaaliya

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In