Saturday, April 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Gaarka Ah Ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Oo Kulan La Qaatay Madaxda Afrika Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Switzerland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Gaarka Ah Ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Oo Kulan La Qaatay Madaxda Afrika Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Switzerland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Switzerland.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Bern ee caasimadda Switzerland, waxaana Ergeyga ku weyliyay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, iyadoo looga hadlay kordhinta kaalmada gurmadka abaaraha iyo sidii Switzerland ay Dowladda Soomaaliya uga gacan siin lahayd helista dhaqaalaha loo qoondeeyey waddamada uu is-beddelka cimilada saameeyay.

Related posts

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

April 25, 2026

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026

Ergeyga ayaa Switzerland kala hadlay in si toos ah kaalmada bani’aadannimo loo siiyo Dawladda Federaalka iyo hay’adaha Soomaaliya ee ka shaqeeya arrimaha sama-falka, si loo fududeeyo in gargaarku si degdeg ah u gaaro dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen, lana dhiso kartida hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka sii horreeyay shir ka dhacay Magaalada Genève oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka, kaasoo Ergeygu diiradda ku saaray saamaynta ay Is-beddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya.

Ergeyga ayaa Dowladda Switzerland uga mahadceliyey kaalmada ay Soomaaliya siiyaan, isagoo ku boorriyay mudnaanta ay siinayaan dalalka gobolka ee ku aaddan iskaashiga horumarinta Switzerland ee hoos yimaada barnaamijka iskaashiga Geeska Afrika.

Ergeyga ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaan la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, kulan ka dhici doona magaalada Zurich, isagoo Jaalidda uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka kuna dhiiragalin doona sidii ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

Previous Post

Madaxweynaha JFS Oo Magacaabay Lataliyaha Saree Ee Arrimaha Dimuqraadiyeynta iyo Dowlad-Wanaagga

Next Post

Madaxweynaha oo daah furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Next Post
Madaxweynaha oo daah furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha oo daah furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

April 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Kullan la yeeshay Guddoomiyaha...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In