Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa galabta kulan dhiirri-gelin la qaatay dhallinyarada Daryeel bulsho oo ka mid ah kooxaha dhallinyaro mutadawiciin ah ee isu-xilqaamay u gargaarka dadkii ku dhibtooday musiibadii Zoobe 2.
Wasiirka ayaa dhallinyarada kula dardaarmay inay xoogga saaraan in dadweynaha magaalada jooga ay ku wacyigeliyaan inay isbitaallada aadaan oo dhiig ku deeqaan iyo in la diyaariyo cunto bisil iyo dhar.
Waxaa kale oo uu Wasiirku maanta kormeeray kooxo dhallinyaro ah oo Wasaaraddu abaabushay, kuwaas oo ku hawlan gurmadka mushaqadii dhacday.