Tuesday, June 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir Golaha Wasiirrada oo warbixinno looga dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii KM5, Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay 29kii bishii hore, ayaa golaha uga warbixiyey halka ay marayaan howlaha gurmad ee ay wadeen, iyagoo tilmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa , welina gurmadku socdo, isla markaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Related posts

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026
Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

June 16, 2026

Golaha ayaa warbixin la xiriirta howlgallada xorreynta iyo xasillinta dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo tilmaamay in ay si xowli ku socdaan howlgallada xorreynta iyo xasillinta goobaha ay ku sugan yihiin Argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen kooxaha argagixisada ah lagala wareegay, welina ay socdaan howlgalka lagu baacsanayo Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howllaha deyn cafinta iyo safarkii Wasiirka Maaliyadda uu ku tagey dalka Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhammaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta.

Previous Post

Dhaqaatiir ka socota dalka Etoobiya oo soo gaaray Muqdusho

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo 5 Neef Geela iyo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda maareynta Masiibooyinka

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo 5 Neef Geela iyo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda maareynta Masiibooyinka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo 5 Neef Geela iyo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda maareynta Masiibooyinka

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, 16 Juun 2026 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga...

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

June 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, oo matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka...

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In