Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Booqday Kuliyadda Lagu Tababaro Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 10, 2022
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Booqday Kuliyadda Lagu Tababaro Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee dalka Djibouti uu ku joogo, ayaa maanta booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane ee Djibouti ay ku tababarto ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarunta tababarka ugu tegay ciidan iyo saraakiil Booliis ah oo tababar ku qaadayana iyo macallimiinta tabarka siinaya, ayaa saraakiisha iyo ciidanka tababarka qaadanaya kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fursaddaan dahabiga ah, ayna tababarka si wanaagsan u qaataan si cilmiga ay bartaan ay ugu isticmaalaan sugista amiga dalkeenna.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

July 8, 2025
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Djibouti uga mahad celiyay tababarrada joogtada ah ee ay ciidamadeenna booliiska siiyaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada ay Djibouti uga qeyb qaadaneyso xasillinta dalka iyo sare u qaadidda bed-qabka mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Djibouti oo dib-u-yagleelidda dowladnimadeenna udub dhexaad u aheyd, taageera dhinca waliba ahna la garab taagan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ciidamado hiil walaalna ay ka joogaan dalka ayaa qeyb ka ah dalalka sida joogtada ah ciidamada ugu tababara dalkeenna Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo u ambabaxay Dalka Ereteriya

Next Post

Wasiirka Beeraha XFS Oo Masar Kula Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Next Post
Wasiirka Beeraha XFS Oo Masar Kula Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Wasiirka Beeraha XFS Oo Masar Kula Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

July 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta...

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran...

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

July 7, 2025
0

The Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia has officially concluded the two-day National Consultative...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In