Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay qaar kamid ah ehelada dadkii ku shahiiday qaraxii Soobbe

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay qaar kamid ah ehelada dadkii ku shahiiday qaraxii Soobbe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka waxbarashada XFS Mudane Faarah Sheekh Cabdulkadir ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii wax loogu qaban lahaa carruurtii ay ka tageen marxuumintii ku geeriyootay weerarkii Khawaarijta ee dhowaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlay qaar kamid ah ehelka dhibanayaashii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay agagaarka Soobbe  ayaa sheegay in wasaaradda waxbarasha ay u howlgaleyso daryeelka carruurti ay ka tageen waalidiintii ku dhintay qaraxaasi.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Wasiirka waxbarashada XFS Mudane Faarah Sheekh Cabdulkadir,ayaa caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay Xaq u leedihiin in laga difaaco waxyeelada kooxaha nabad-diidka,isla markaana laga qabto falalka guraca ee ay caadeysteen kooxahaasi.

Mudane Faarah Sheikh Cabdulkadir,ayaa qiray in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sifeynta iyo la dagaalanka kooxaha khawaarijiinta iyo in ay u aarto dhibanayaasha faraha badan ee ku dhintay ama ku dhaawacmay ama ku hanti beelay qaraxyada iyo weerarada ka yimid kooxaha argagixisada.

,Ugu dambeyntii,Wasiirku,waxa uu Alle ka baryay in dadkii ku shahiiday qaraxii Soobe uu ka waraabiyo janatul fardowsa,eheladii iyo qaraabadii ay ka tageenna waxa uu faray samir iyo iimaan.

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo deegaanka Burdaar ku dilay 12 khawaarij ah

Next Post

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis gaaray

Next Post
Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis gaaray

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis gaaray

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In