Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis gaaray

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Mudane Temesgen Tiruneh Dinku ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Related posts

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay qaar kamid ah ehelada dadkii ku shahiiday qaraxii Soobbe

Next Post

Wasiir ku xigeenka Awqaafta XFS oo boqolaal ruux kula hadlay Masjidka Arbaca Rukun   

Next Post
Wasiir ku xigeenka Awqaafta XFS oo boqolaal ruux kula hadlay Masjidka Arbaca Rukun   

Wasiir ku xigeenka Awqaafta XFS oo boqolaal ruux kula hadlay Masjidka Arbaca Rukun   

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qayb...

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- BAAQ NABADEED Marka hore, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay bannaanbaxii ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In