Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al Rumaithi.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha, ayaa ka wada hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan oo ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.
Safiirka,ayaa dhawaan Warqadiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.