Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Fedaraalka iyo maamulka Safaaaradda Shiinaha ee Magalada Muqdisho, ayaa maanta sagootiyay 14 arday oo deeq waxbasho ka helay Dowladda Shiinaha .
Xafladda sagootinta oo ka dhacday xarunta Safaaaradda,waxaa ka hadkay Drs Hodan Cusmaan Cabdi la-taliyaha Xiriirka Caalamiga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka Dowladd Shiinaha ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho Mr. Fei Shengchao , diblamaasiyiin kale, waxaana goobjoog ahaa ardaydii iyo marti sharaf lagu casuumay.
La-taliyaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wasaaraha Marwo Hodan Cusmaan Cabdi Ayaa tiri ” Waxaad u baxdeen dal aan dalkiina aheyn, ujeedka safarkiina maahan inaad lumisaan, waa inaad kasoo dhalaashaan wixii aad u baxdeen oo ah waxbarasho,Cilmiga aad soo baran rabtaa idinka bes muhiim idiin maahan,ee dalka,dadka iyo naftiinaba muhiim ayow idiin yahay”.
Safiirka Dowladda Shiiina u jooga Soomaaliya Fei Shengchao, ayaa asne dhankiisa,ku booriyay ardayda la siiyay deeqda waxbasho inay ku dadaalan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Aqoontooda ,iyagoo ka faa’ideysanaaya fursadahaasi waxbarasho oo ay ka heleen Dolwadda Shiinaha.
Gabagabadii waxaa Munaasbadaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardayda helay Deeqda Waxbasho,iyagoo u mahadceliyay dowladaaha Soomaliya iyo Shiinaha.