Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee degmada Cabudwaaq iyo ku xigeenkiisa, Muxiyadiin Aadan Sheekh Cali iyo Axmed Diiriye Maxamed oo labaduba ku soo baxay doorashii maanta ka dhacday degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale ku ammaanay golaha deegaanka cusub ee degmada Cabudwaaq , sida hufan oo ay uga qeyb qaateen doorashada gudoonka degmada Cabudwaaq, sidoo kalena bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug oo hirgelisay doorashada.
Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu danbayn xusay in tallaabadan ay dhiirogalin u tahay hannaanka dowladnimada Galmudug, lagana hirgelin doono dhammaan degmooyinka Galmudug.