Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa magaalada London ee dalka Ingiriiska kulan kula qaatay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee magaaladaas deggan, isagoo kala hadlay qodobo muhiim ah.
Qodobada uu kala hadlay ayaa ka mid ahayd inay doorkooda ka qaataan dagaalka ciribtirka khawaarijka ee ka socda dalka iyada oo laga duulayo howlaha hortebinta leh ee Madaxwaynaha JFS iyo siyaasadda Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse.
Agaasimaha Guud ayaa iftiimiyey in Warbaahinta gaarka ah iyo Wasaaradda si fiican u wada shaqeeyaan ,dhowaana la filayo in la hirgeliyo sharciga saxaafadda.
Agaasimahaย ayaa soo hadal qaaday in dawladda Soomaaliya ay gacan kula dagaalamayso Khawaarijta gacanna ugu adeegayso baahiyaha kala duwan ee bulshadu u baahan tahay.