Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Biixi Iimaan Cige ayaa ka qayb galay shirkii 4-aad ee Wasiirada horumarinta bulshada ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka Furmay Dalka Sacuudi Carabiya.
Shirkaasi oo ka furmay Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudi Carabiya, waxaa loogahadlay qodobo ay ka mid ahaayeen yareynta saboolnimada,horumarinta bulshada ee wadamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabtaย iyo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in shirkaan laga filayo natiijooyin wanaagsan ,isla markaana uu daba socda mid la qabtay sanadkii 1994-tii
Shirkaasi waxaa wasiirka ku weheliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Abshir Warsame Diirshe iyo Axmed Cabdisamad oo ah xoghayaha labaad.