Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Amray In Lala Xisaabtamo Shaqaalaha “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Amray In Lala Xisaabtamo Shaqaalaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, ayaa faray ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo Agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha,ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

Related posts

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

June 13, 2026

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa”.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay Agaasimeyaasha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Tags: Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Amray In Lala Xisaabtamo Shaqaalaha "SAWIRRO"
Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka KGS 

Next Post

Madaxweynaha Dalka Oo ka qeybgalay Xuska sannad-Guurada 79aad ee Booliiska Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweynaha Dalka Oo ka qeybgalay Xuska sannad-Guurada 79aad ee Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dalka Oo ka qeybgalay Xuska sannad-Guurada 79aad ee Booliiska Soomaaliyeed

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
0

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa maanta qaabilay wefdi ka...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

June 13, 2026
0

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ayaa galabta kormeeray Tuulada Cayaaraha Dalka ee Stadio Muqdisho oo ka mid...

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In